(Taariikhdu Qarin Mayso ) Xukuumada Somaliland Oo Afar Wariye Xabsiga Dhigtay Afar Kalena Sii Daysay

  Monday December 09, 2013 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Xukuumada Silaanyo Oo Si Ba'an U Caadaysatay Cabudhinta Saxaafada
Wariyayaal Xukuumadu Hore U Xidhay Ayay Maanta Damaanad Ku Siidaysay Iyadoo Qaar Kalena Xabsiga Dhigtay

Xukuumada Madaxwayne Siilaanyo Oo Beryahan Danbe Cabudhin Ba'an Ku Haysa Xoriyada Hadalka Ayaa Maanta Damaanad Ku Sii Daysay Afar Saxafi Oo Kala Ah Xasan Maal Dhidar , Cabdicasiis Bashiir Nuur Oo Ka Hawl gala Shabakada Xogreebnews, Siciid Khadar Cabdilaahi Iyo Cabdisalaan Cabdirashiid Oo Labadooduba Ka tirsan Telefishanka Bulsho

faysal maxamed aadanSiidaynta Afarta Saxafi Booliska Degmada Laasgeel Ee Magaalada Dacarbudhuq Ayaa Goor Dhawayd Xabsiga Dhigay Wariyeyaal Ku Gudo Jira Hawl Maalmeed Koodii
Saxafiyiintan Oo Tuulada Jaleelo U Tagay Inay Ka Duubaan Barnaamuyo Ku Saabsan Odoyaal Deegaanka Ka Tirsan Oo Cambaarayn Ay U Soo Jeedinayeen Badhasaabka Gobolka Saaxil
Ciimada Ayaa Gacanta Ku Dhigay Saxafiyiintan Oo Kala Ah Cali Xasan Sugule , Cabdirashiid Cabdiwahiib Xusseen , Oo Ka Tirsan Telefishanka Universal, Faysal Maxamed Aadan Oo Royal Tv Ka Socday Iyo Najiib Cabdilaahi Colaad Oo Bulsho Ka Socday.

Maxamed Rashiid Muxumed Faarax Xooghaya Ururka Solja Oo U Waramay Hadhwanaagnews Ayaa Canmbaareeyey Xadhigaai . Waxaanu Xukuumada Ugu Baaqay Inay Xoriyadooda Dib Ugu Soo Celiyaan Afartaasi Saxafi Iyo Waliba Wariyaha Waaheen Uga Soo Warama Magaalada Boorama Cali Ismaaciil Aare Oon Isna Xabsiga Ku Jira

Afartan Saxafi Booliska Laasgeel Xidheen Ayaa Laga Garaynayn Cida Ka Danbaysay Ama Amarka Soo Qabashdooda Bixisay.

Dhowr Jeer Oo Aanu Isku Daynay Inaanu La Xidhiidhno Gudoomiyaha Laasgeel Iyo Xooghaya Degmadaasi Ayaanay Noo Suuroobin Telefoonkooda Gacanta Oo Xidhnaa Wixii Warar Ah Ee Ka Soo Kordha Waxaanu Idinku Soo Gudbin Doonaa Baahinteena Danbe.

Xamse Maxamed Jaamac

saaxilonline.com
Hargeisa

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

News In English